Thursday, March 5, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo Wadooyinka oo xiran

Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, xilli Magaalada uu ku soo wajahan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, kaasi oo booqasho ku maraya dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

Wafdiga Wasiirka ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ka wadahadli doono xiriirka u dhexeeya labada wadan.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha uu ku imaanayo Soomaaliya ayaa ah tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinaha ah uu ku yimaado Muqdisho tan iyo sanadihii 1980-meeyadii.

Safarkan ayaa la filayaa inuu Soomaaliya siiyo taageero diblomaasiyadeed, kaddib markii Israa’iil ay bishii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka Somaliland.

Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageerada uu u hayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo doonaya inuu xoojiyo saameyntiisa istaraatiijiyadeed ee ku teedsan Gacanka Cadmeed, marin muhiim u ah ganacsiga Shiinaha ee mara Badda Cas iyo Kanaalka Suweys kuna wajahan suuqyada Yurub.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha uu ku imaanayo magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, iyadoo maalmo ka hor Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil uu booqasho ku tagay magaalada Hargeysa, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles