Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo gardarro ah, sharci-darro ah, kuna ah dagaal qaawan midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan, taas oo waafaqsan Dastuurka Qaranka, qaraarrada Baarlamaanka, iyo hadalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Waxaa la sheegay in go’aankan uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan Marinka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu dhiirrigelin karo xagjirnimo iyo argagixiso, taas oo lid ku ah xasilloonida caalamka.
Soomaaliya waxay si rasmi ah Israel uga dalbatay inay ka laabato go’aankan, iyadoo ballan qaaday inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku habboon si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu xusay in wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay sii socon doonaan, si xal Soomaali u gaar ah, nabadeedna loogu helo arrimaha jira, iyadoo laga fogaanayo faragelin dibadeed.


