Saturday, January 31, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Agaasime goboleedka UNHCR

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasime goboleedka Bariga iyo Geeska Afrika iyo Harooyinka waa weyn ee Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR), Mamadou Dian Balde.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, si gaar ah wax ka qabashada caqabadaha ka yimaada arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, kor-u-qaadidda taageeridda dadka ku soo guryo noqonaya dalka, barakacayaasha iyo xalalka waara.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay isku dubaridka dadaallada lagu hagaajinayo helitaanka adeegyada lagama-maarmaanka u ah ee bulshooyinka barakacay, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, iyo fursadaha maaraynta nololeed, iyadoo xoogga la saarayo baahida loo qabo kordhinta taageerrada caalamiga ee wax ka qabashada si wax ku ool ah baahiyaha bini’aadantinimo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles