Saturday, March 7, 2026

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo Muqdisho si ramsi ah uga furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi ah uga furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka taasi oo qeyb ka ah xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8-da Maarso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar oo Munaasabadda kalmad soo dhaweyn ah ka jeediyey ayaa tilmaamay in qabashada Bandhiggan ay Wasaaradda Qoyska uga dan leedahay dhiiri gelinta Haweenka Ganacsatada ah ee Soomaaliyeed islamarkaana ay Wasaaraddu door biday inta xiligan adag la xafladeyn lahaa in la caawiyo Haweenka Soomaaliyeed noocyadooda kala duwan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed Xersiyo Cabdulle Siyaad oo magaca Haweenka Ganacsatada ku hadashay iyo Duniyo Maxamed Cali oo magaca ururrada Haweenka ku hadashay ayaa si wadajir Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu mahad celiyey hal abuurkaan lagu dhiiri gelinayo Haweenka Ganacsatada ah iyo kuwooda danta yar.

Xoghaya guud ee maamulka gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud oo magaca maamulka gobolka Banaadir ku hadashay ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya sida ay sanadkan Bandhiggan usoo qaban qaabiyeen maadaama tani fursad weyn u tahay Haweenka Soomaaliyeed guud ahaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo si rasmi ah u furtay Bandhigga ganacsiga Haweenka ayaa sheegtay in maadaama dalku xaalado adag ku jiro ka Wasaarad ahaan go’aankaan u qaateen islamarkaana aanan lagu dhiiri gelineyn Haweenka ganacsatada kaliya ee sidoo kale lagu garab istaagayo Haweenka guud ahaan maadaama uu Bandhigga qeyb ka yahay baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan loogu sameynayo Haweenka.

Sanad kasta Soomaaliya waxa ay si weyn u xustaa Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8da Maarso balse sanadkaan waxaan go’aansanay inaan si ka duwan sidii hore u xusno anaga oo fursado ugu abuureeyna Haweenkeenna Ganacsatada ah, sidoo kale inta Bandhiggaan uu socdo waxaa lagu caawin doonaa Haweenka danta yar oo heli doona baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan ah.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Tanzania

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safraya dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles