Tuesday, July 1, 2025

Wasiiru dowlaha Soomaaliya Cali Balcad oo la kulmay Dhiggiisa dalka Ethiopia

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in kulankan ay labada wasiir ka wadahadleen arrimo la xiriira madaxbanaanida,midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

“Intii uu socday kulanka, labada Wasiir waxay markale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu xusay dagaalkii ka dhacay shalay magaalada Doolow.

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.”

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin la mid ah mustaqbalka.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.
Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles