Sunday, April 5, 2026

Xaalad adag oo ka taagan magaaladii ay dib u qabsadeen RSF ee dalka Suudaan

In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay magaalada El-Fasher ee Suudaan, kaddib markii ay qabsadeen Ciidamada gurmadka Degdegga (RSF) dhammaadkii toddobaadkan, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

Waxaa jiray warar ku saabsan dilal tira badan iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha markii dagaalyahannada RSF ay magaalada qabsadeen, kadib 18 bilood oo ciriiri, gaajo iyo go’doon ay ku jirtay.

qulqulka dadka ka cararaya rabshadaha ee u socda tuulada Tawila, oo qiyaastii 80km (50 mayl) galbeed ka xigta El-Fasher, ayaa kordhay maalmahii la soo dhaafay, ayay BBC u sheegtay Eujin Byun oo ka tirsan UNHCR.

Waxay sheegeen sheekooyin argagax leh oo ku saabsan xadgudubyo, oo ay ku jiraan kufsi, halka hay’adda qaxootigu ay la tacaaleyso sidii loo heli lahaa hoy iyo cunto ku filan dadkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha KMG koofur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji,...

NISA oo Duqeysay Kuunya Baroow, kuna dishay horjoogayaal Al-shabaab ah

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa...

Wasiir Fiqi oo si adag Weeraray Golaha Mustaqbalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Puntland oo qaadaysa talaabo ka dhan ah Wasiirada cusub

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles