Thursday, April 2, 2026

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayso 183 maxbuus oo Falastiiniyiin u xiran Israa’iil, waana markii shanaad ee is-dhaafsigan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Gaza.

Isdhaafsigaan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedintii ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadaneyd in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool iyo in Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha laga sii deynayo Gaza ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac oo maxaabiis ah oo la sii daynayo.

Saddexda nin ee lagu wado in la sii daayo Sabtida ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas. Magacyadooda waxaa xaqiijiyay xafiiska Netanyahu.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

390 Xildhibaan oo lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho

390-ka xildhibaan ee goloyaasha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hidise sharciyeedyo baaqna ka soo saaray Colaada gobolka Awdal

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Wafdi culus oo hor u dhac ah u MW Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku qul qulaya Wafuud ka...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles