Friday, January 30, 2026

Xamaas oo shaaca ka qaaday magacyada lahaystayaasha ay sii deyn doonto

Kooxda Xamaas ee reer Falastiin ayaa maanta oo Jimce ah shaaca ka qaaday magacyada sedex la hayste oo ay sii deyn doonto maalinta berito ah si ay ugu badalato maxaabiis reer Falastiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Sedexda la sii deyn doono waxa ku jira nin haysta labada dhalasho ee Maraykanka iyo Israa’iil.

Yarden Bibas, Keith Siegel iyo Ofer Kalderon ayaa berito oo Sabti ah la sii deyn doonaa sida uu sheegay afhayeenka garabka hubeysan ee ururka Xamaas Abu Cubeyda oo qoraal soo dhigay barta Telegram.

Khamiistii Xamaas waxay sii deysay sedex Israa’iiliyiin ah iyo shan u dhashay Thailand halka Israa’iil ay sii deysay 110 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

Heshiiska xabad joojinta ee lagu joojiyay dagaalkii 15-ka bilood socday ayaa dhigayay in lixda todobaad ee ugu horeeya ay falastiiniyiintu sii daayaan 33 la hayste kuwaas oo lagu badalanayo boqollaal maxbuus oo falastiiniyiin ah oo qaarkood ku xukunnaa xabsi daa’in kuna jiray xabsiyada Israa’iil.

15 la hayste oo ay ku jiraan shan shaqaale oo Thailand u dhashay iyo illaa 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la is weydaarsaday.

Sedex Israa’iiliyiin ah ayaa Khamiistii lagu badashay 90 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 9 xabsi daa’in ku xukunayd iyo 81 xabsiyo dhaadheer ku xukunnaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles