Tuesday, April 7, 2026

Xildhibaanada ka soo jeeda Awdal ee Somaliland oo digay in Ciro uu colaad ka horayo Awdal

Xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Awdal ee xubnaha ka ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uga digay in uu colaad hor leh u abaabulo Bulshada ay metalaan.

Xildhibaannadaan ayaa sheegay in Dadka Awdal ay la dhibaataysan yihiin waxyeellada ka soo gaartay awood muquuninta Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in ay heleen xogo muujinaya in awood militari oo dheeraad ah uu Madaxweyne Cirro u adeegsanayo Gobolkaasi.

Abiib ayaa ka digay dhibaatooyinka ka imaan kara awood sheegashadaas maadaama aanay dadku lagu qasbi Karin wax aysan rabin, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah meel fog looga istaago tallaabadaas sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland ayaa damacsan in ay Gobolka Awdal ka fuliso howlgallo culus oo ka dhan ah Dadka kacdoonka ka wada Gobolkaas, waxaa weli u xiran Tiro dad ah, halka Magaalooyinka qaar ay ka muuqdaan raadadka rabshadihii ugu danbeeyey ee ka dhacay gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles