Monday, December 29, 2025

Xildhibaanada Mucaaradka oo MW Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe ku eedeeyay inay Afduubteen Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad iyo dastuur waafaqsanayn.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe in ay ku guuldarreysteen ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka, ayna horseedeen khilaaf siyaasadeed, musuq-maasuq, iyo kala qaybin bulsho.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, Golaha Samata-bixinta wuxuu bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, iyo beesha caalamka ugu baaqay in aysan aqoonsan natiijooyinka ka dhasha kalfadhiga 7-aad, islamarkaana ay cadaadis ku saaraan hoggaanka dowladda iyo baarlamaanka si loo ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in fashilka kalfadhiga 7-aad uu caddeyn u yahay in Baarlamaanka Soomaaliyeed uusan ka shaqeyneyn danaha shacabka, ayna lama huraan tahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo sharciga iyo dimoqraadiyadda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles