Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka iyo bulshada caalamka inay si dhaqso leh u gargaaran shacabka ku dhibaateysan halkaasi.
Xildhibaannada ayaa sheegay in xaalad bini’aadannimo oo aad u daran ay ka jirto deegaanada maamulkaas, kadib markii ay is biirsadeen abaaro daba dheeraaday iyo colaado soo noqnoqday. Waxay tilmaameen in shacabka ay wajahayaan cunto yari baahsan, biyo la’aan iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid nolol maalmeedkooda.
Sidoo kale, waxay xuseen in carruurta, haweenka iyo dadka barakacayaasha ah ay yihiin kuwa ugu daran ee ay saameynta ku yeelatay xaaladdan, iyadoo ay soo food saartay nafaqo darro iyo adeeg caafimaad oo aad u kooban. Xeryaha barakacayaasha ayaa iyaguna la sheegay inay noqdeen kuwo aad u ciriiri ah, taasoo sii kordhisay halista cudurrada iyo xaaladaha adag ee nololeed.
Baaqan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dadka ka barakacaya colaadaha ka jira magaalada Baydhabo, halka kumanaan kale ay abaarta darteed uga soo hayaameen miyiga, iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan iyo gargaar bani’aadannimo.
Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed inay si wadajir ah u xoojiyaan gurmadka, si loo badbaadiyo nolosha shacabka ay dhibaatadu saameysay.


