Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa diiwaangelisay markab qaata Calanka Soomaaliya kaaso lagu magacaabo “Guney” Sumadda tirsigiisuna tahay “IMO No. 8230417”. Tani waa markii ugu horaysay ee taariikhda Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib in la sameeyo diiwaanka maraakiibta, iyadoo ujeeddadu tahay in maraakiibtu ay qaataan Calanka Soomaaliya.
Tallaabadan muhiimka ah waxay ku timid ka dib markii ay Wasaaraddu hirgelisay dhammaan shuruucda lagama maarmaanka u ah diiwaan gelinta iyo calansiinta maraakiibta, waxayna muujinaysaa go’aanka ku aaddan horumarinta iyo casriyeynta arrimaha badda.
Diiwaangelinta “Guney” waxay fursad cusub u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, Wasaaradduna waxay soo dhaweynaysaa ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iidaystaan fursaddan cusub, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ugu dambeyntii Dadaalladani waxay qeyb ka yihiin qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda XFS iyo siyaasadda guud ee Xukuumadda Dan-Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).



