Saturday, April 4, 2026

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la xaliyay cabashadii shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si guul leh u soo afjaray cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle. Kulanka xalinta cabashada, oo ka dhacay garoonka, ayaa wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo Maareeyaha Garoonka.

Intii uu kulanku socday, wafdiga wasaaradda ayaa si dhow u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo. Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, waxaa la isku raacay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa.

Wasiirka ayaa faray shirkadda maamusha garoonka in ay si degdeg ah wax uga qabato dhammaan qodobadii ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen.

Waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, waxaana lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyin noocaan oo kale ah.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ballanqaaday in ay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqo ee garoonka, si loo hubiyo in xuquuqda shaqaalaha la ilaaliyo, howlaha garoonkuna u socdaan si habsami leh.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo mas’uuliyadda, isagoo ku dhiirigeliyay in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in Wasaaradda ay mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha.

Hawlihii garoonka ayaa dib caadi ugu soo laabtay, iyadoo la xaqiijiyay in adeegyada duulimaadyada ay dib u bilaabmeen si habsami leh. Wasaaraddu waxay cadeysay in amniga iyo badbaadada garoonku ay yihiin mudnaanta ugu sareysa.

WARARKII KALE

Hoggaamiyaha KMG koofur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji,...

NISA oo Duqeysay Kuunya Baroow, kuna dishay horjoogayaal Al-shabaab ah

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa...

Wasiir Fiqi oo si adag Weeraray Golaha Mustaqbalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Puntland oo qaadaysa talaabo ka dhan ah Wasiirada cusub

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo...

Trump oo dalbaday in la kordhiyo Miisaaniyada Difaaca

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles