Friday, June 19, 2026

15 Wasiir oo Wajahaya Doorasho adag Kadib Go’aan Cusub oo ka soo baxay MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in xubnaha isku haya xilalka Wasiirnimo iyo Xildhibaanimo ay si degdeg ah u kala doortaan midkood, iyadoo arrintan lagu saleeyay wax ka beddel lagu sameeyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo wali muran xooggan ka taagan yahay.

Go’aankan ayaa si toos ah u saameynaya xukuumadda uu hoggaamiyo Xamza Cabdi Barre, halkaas oo ku dhawaad 15 wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ay sidoo kale ka tirsan yihiin Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa lagu faray dhammaan xubnaha isku haya labada xil in ay kala doortaan midkood, iyadoo la fulinayo qodobo si cad u dhigaya in hal qof uusan isku mar qaban karin xil wasiirnimo iyo xildhibaanimo.

Mas’uuliyiinta sida weyn u saameyn doona go’aankan waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, kaas oo ka tirsan Aqalka Sare, isla markaana haatan haya xil sare oo xukuumadeed.

Guddiga ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay kala soocidda awoodaha dowladda, gaar ahaan fulinta iyo sharci-dejinta, si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo hannaanka dowladnimo.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo siyaasadeed, maadaama Madaxweynaha uu horey u sheegay in dastuurka cusub la dhaqan gelin doono wixii ka dambeeya muddo xileedkiisa, taas oo hadda u muuqata mid laga leexday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda ay ku cadaadinayso wasiirrada ku jira Baarlamaanka in ay iska casilaan kuraastooda, si ay u sii haystaan xilalka wasiirnimo, inkastoo qaar badan ay ka cabsi qabaan inaysan mar kale heli doonin kuraasta Baarlamaanka haddii ay ka tanaasulaan.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu keeno isbedello siyaasadeed oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin iscasilaadyo, isku shaandheyn xukuumadeed, iyo muran sii xoogeysan kara oo ku saabsan sharciyadda dastuurka cusub.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles