DFS oo la hadashay caqabadihii sababay in Cumar Cartan ka baaqdo Koobka Adduunka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay sida ay uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta adduunka ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka, Wasaaradda oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay sameeyeen dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo ballaaran oo lala yeeshay dowladda Mareykanka iyo xiriirka FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda ayaa sheegtay in inkastoo dadaallo xooggan la sameeyay aysan suuragelin in xal laga gaaro xaaladda garsooraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa ku tilmaantay Cumar Cartan inuu yahay tusaale muujinaya kartida, dadaalka iyo adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo xustay in guulihiisa caalamiga ahi sharaf weyn u yihiin magaca Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa caddeysay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Garsoore Cumar Cartan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta xirfaddiisa iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo dhammaan dadkii muujiyay taageerada iyo garab istaagga ay la garab taagnaayeen Garsoore Cumar Cartan intii ay socotay arrintan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles