Saturday, July 25, 2026

Loolanka Doorashada KGS oo Cirka Isku shareeray iyo Khilaaf ka taagan Hannaanka Codeynta

Loolanka doorashada madaxtinimada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa si weyn uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo tartanka siyaasadeed uu galay marxalad xasaasi ah saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada.

Hardanka siyaasadeed ayaa u dhexeeya saddex musharax oo kala ah Aadan Madoobe, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dr. Cabdi Casiis Jawaari, kuwaas oo mid walba dadaal ugu jira sidii uu taageero uga heli lahaa xubnaha Golaha Wakiillada KGS.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in musharixiinta iyo taageerayaashooda ay wadaan kulamo siyaasadeed iyo olole xooggan oo lagu kasbanayo codadka xildhibaannada, halka magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Dhanka kale, musharixiinta kasoo horjeeda Aadan Madoobe ayaa wali ku adkeysanaya in geedi socodka doorashada uu noqdo mid hufan oo daahfuran, iyagoo soo bandhigay saddex qodob oo wali dood adag ka taagan tahay, kuwaas oo sida la sheegayo ay diidan tahay Villa Somalia.

Qodobka koowaad ayaa ah in guud ahaan hoolka doorashada laga mamnuuco taleefannada gacanta, si xildhibaannadu aysan sawir uga qaadin warqadaha ay ku codeeyeen. Musharixiinta madaxa bannaan ayaa arrintan taageersan, halka Villa Somalia lagu eedeeyay inay si weyn ugu dheggan tahay in taleefannada la oggolaado.

Qodobka labaad ayaa ku saabsan goobta lagu qabanayo doorashada, iyadoo musharixiintu dalbanayaan in lagu qabto meel amni ah oo ay sugaan ciidamada Midowga Afrika, isla markaana aan lagu qaban goob dowladda gacanta ku hayso. Waxa kale oo ay doonayaan in doorashadu dhacdo xilli maalin ah, iyagoo kasoo horjeeda in habeenkii la qabto, xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in laga fikirayo in madaxtooyada lagu qabto habeenkii.

Qodobka saddexaad ayaa ah in Aadan Madoobe uu iska casilo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama uu yahay musharax u taagan xil kale. Musharixiinta kale ayaa ku doodaya inuu hoolka doorashada kusoo galo isagoo musharax caadi ah, balse arrintaasi ayuu si cad u diiday Aadan Madoobe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo, dowladda federaalka ayaa la sheegay inay ka fikirayso qorshe cusub oo la xiriira shahaado bixinta, si looga hortago haddii labada musharax ee ugu waaweyn tartanka ay ka baxaan geedi socodka doorashada, arrintaas oo cabsi laga qabo inay sababto in doorashada 10-ka bishan dib u dhacdo ama baaqato.

Doorashada Koofur Galbeed ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama natiijadeedu saameyn weyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee maamulkaasi iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

10 qof oo ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday bandhig diyaaradeed meel ku dhow Kyiv

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar Ruushka...

Trump oo canshuuro cusub ku soo rogay 60 dal

Maraykanka ayaa canshuuro cusub ku soo rogay 60 dal...

Madaxa AUSSOM iyo Ku Simaha Safiirka Mareykanka oo wadahadlay Amniga iyo Mustaqbalka Hawlgalka

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna...

Midowga Afrika oo fariin adag u dirtay DF iyo shir looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ahna xarunta Midowga...

Dalalka Carabta oo Cambaareeyay Gelitaanka Wasiir Israa’iili ah Masaajidka Al-Aqsa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles