Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay xalinta khilaafka doorashada Soomaaliya

Xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiillo ka socda Beesha Caalamka, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay si qoto dheer uga wada hadleen xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka dhashay khilaafka doorashada, kuwaasi oo sababay isku dhacyo iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay inay Beesha Caalamka la wadaageen walaacyada ay ka qabaan hannaanka doorashada iyo sida ay muhiim u tahay in la helo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna wada qanci karo.

Dhankooda, wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada hadallada siyaasadeed, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta colaad hor leh ama xaalad amni darro oo sii xumaata.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu isla meel dhigay baahida loo qabo in si deg deg ah loo abuuro jawi wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan, si loo helo hannaan doorasho oo daahfuran, lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta doorashooyinka, iyadoo bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay muujinayaan walaac ku saabsan saamaynta ay khilaafaadkan ku yeelan karaan amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles