Tuesday, June 9, 2026

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay xalinta khilaafka doorashada Soomaaliya

Xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiillo ka socda Beesha Caalamka, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay si qoto dheer uga wada hadleen xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka dhashay khilaafka doorashada, kuwaasi oo sababay isku dhacyo iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay inay Beesha Caalamka la wadaageen walaacyada ay ka qabaan hannaanka doorashada iyo sida ay muhiim u tahay in la helo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna wada qanci karo.

Dhankooda, wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada hadallada siyaasadeed, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta colaad hor leh ama xaalad amni darro oo sii xumaata.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu isla meel dhigay baahida loo qabo in si deg deg ah loo abuuro jawi wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan, si loo helo hannaan doorasho oo daahfuran, lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta doorashooyinka, iyadoo bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay muujinayaan walaac ku saabsan saamaynta ay khilaafaadkan ku yeelan karaan amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Shir looga hadlay adkeynta ammaanka oo lagu qabtay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu qabtay...

Ku-simaha Safiirka Maraykanka oo Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe

Ku-simaha Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo...

Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay khalalaasihii ka dhacay Garoowe

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray qalalaasihii...

Musharixiinta KGS oo Qaadacay Doorashada iyo xaalad kacsan oo ka taagan Baydhabo

Doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka socota magaalada...

Loolanka Doorashada KGS oo Cirka Isku shareeray iyo Khilaaf ka taagan Hannaanka Codeynta

Loolanka doorashada madaxtinimada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa...

DFS oo la hadashay caqabadihii sababay in Cumar Cartan ka baaqdo Koobka Adduunka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles