Iiraan iyo Israa’iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen

Iiraan iyo Israa’iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen, ka dib markii labada dal ay is rasaaseeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii la gaaray xabad joojintii bishii Abriil.

Fariin codeed lagu daabacay wakaaladaha wararka rasmiga ah Isniintii, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan ayaa ku tilmaamay weerarkii habeenimadii Axada ee duqaymaha ay iyagu gaysteen gabi ahaanba kuwo lagu qiimeeyay inay ahaayeen lagama maarmaa oo ay guulaysteen.

Farriinta codka oo qoraal ahaan ay daabacday wakaalada wararka IRNA ayuu ku yiri Qalibaf, ‘’Haddii aynu ku tixgalino diblomaasiayada wadahadalada kali ah ee qolalka xiran iyo diblomaasiyada qosolka, weeynu ku guul daraysan lahayn bilowgiiba, haddii aynu ku tiirsanaan lahayn dagaal iyo howlgalo militari oo kali ah, ma aynaan awoodneen in aynu si buuxda u difaacno xuquuqdeena’’.

Qalibaf oo hoggaaminayay wafdiga wadahadalada Iiraan iyo Maraykanka ee Pakistan iyo safarkiisii u dambeeyay ee Qatar uu u raacay Abbas Araqchi, ayuu ku yiri fikradiisa: ‘’Dhacdadii Lubnaan waxay muujinaysaa in fagaaraha diblomaasiyada oo uu la socda midka milatari ay dhinac u riixi karaan Israa’iil iyo cadowyada. Diblomaasiyada kama hortagto howlgalada milatari, sidoo kalana howlgalada milatari kama hortagaan diblomaasiyada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles