Mareykanka oo sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen meel u dhow Kismaayo

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay 14–15 November 2025 fuliyeen duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ka dhaceen qiyaastii 55 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo, isla markaana ay yihiin qayb ka mid ah howlgalka joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ku wajahan amniga Soomaaliya iyo kan Mareykanka.

AFRICOM waxay sheegtay in ay sii wadi doonaan iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka, si loo yareeyo khatarta Al-Shabaab ee ka dhan ah Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan faahfaahin dheeri ah ka bixin doonin ciidamada iyo qalabka la isticmaalay, si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles