Wasiirka Amniga Gudaha oo Magacaabay Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Maxamed Kaasim inuu noqdo Agaasimaha Ku-Xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Magacaabistan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo hoggaanka iyo hufnaanta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyada oo diiradda la saarayo kor u qaadidda adeegyada ay hay’addu u qabato muwaadiniinta iyo ajaanibta dalka soo booqda ama deggen.

Wasiir Fartaag ayaa agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu xilka u guto si hufan, masuuliyad leh iyo daacadnimo ku dhisan, isla markaana uu noqdo hormuud ka shaqeeya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada looga baahan yahay hay’adda.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa mar kale xaqiijisay go’aankeeda ku aaddan xoojinta maamulka, sare u qaadidda hufnaanta shaqo, iyo dardargelinta adeegyada dowladeed, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles