Wasiirka Amniga Gudaha oo Magacaabay Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Maxamed Kaasim inuu noqdo Agaasimaha Ku-Xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Magacaabistan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo hoggaanka iyo hufnaanta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyada oo diiradda la saarayo kor u qaadidda adeegyada ay hay’addu u qabato muwaadiniinta iyo ajaanibta dalka soo booqda ama deggen.

Wasiir Fartaag ayaa agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu xilka u guto si hufan, masuuliyad leh iyo daacadnimo ku dhisan, isla markaana uu noqdo hormuud ka shaqeeya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada looga baahan yahay hay’adda.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa mar kale xaqiijisay go’aankeeda ku aaddan xoojinta maamulka, sare u qaadidda hufnaanta shaqo, iyo dardargelinta adeegyada dowladeed, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

WARARKII KALE

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

Trump oo sheegay in Ilhaan Cumar ay “xabsi geli karto”

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Ilhaan Cumar,...

Turkiga oo baarlamaanka u gudbiyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee Makka

Dowladda Turkiga ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas u gudbisay hindise...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles