Goob macdanta laga qado oo ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof

32 qof ayaa naftooda ku waayay ka dib markii macdanta kobalt ay ku burburtay aagga macdanta Kalando, oo ku yaal degmada macdanta Mulondo ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shilku wuxuu dhacay ka dib markii rasaas ay soo rideen shaqaalaha amniga ee ilaalinayay aaggas, taasoo keentay in macdan qodayaashu ay ku dhacaan god furan.

Isagoo ka hadlayay dhacdada, Axaddii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Lualaba, Roy Kaumba Mayonde, ayaa yiri, “In kasta oo si rasmi ah looga mamnuucay gelitaanka aagga sababo la xiriira roobab culus iyo khatarta dhul-go’, macdan qodayaasha sharci-darrada ah ayaa ku qasbay inay galaan aaggaas.”

Wuxuu intaas ku daray in “arrinta macdan qodayaasha ku sababtay burburka ay tahya buundo ku meel gaar ah oo ay dhisteen si ay uga gudbaan kanaal halkaasi ku yaal.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in 32 meyd la helay ilaa hadda iyadoo hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ay sii socdaan. Sawirro ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya meydadka macdan qodayaasha oo laga soo saarayo goobta iyadoo dadka deegaanku ay si naxdin leh u daawanayaan.

Mas’uuliyiintu waxay ku booriyeen macdan qodayaasha yaryar inay ka faa’iidaystaan ​​​​tababarka kale ee dawladdu u fidiso ganacsiga beeraha si looga fogaado soo noqoshada masiibooyinka la midka ah arrintaan, marka ay ku lug yeeshaan hawlaha macdan qodista sharci darrada ah.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles