Goob macdanta laga qado oo ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof

32 qof ayaa naftooda ku waayay ka dib markii macdanta kobalt ay ku burburtay aagga macdanta Kalando, oo ku yaal degmada macdanta Mulondo ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shilku wuxuu dhacay ka dib markii rasaas ay soo rideen shaqaalaha amniga ee ilaalinayay aaggas, taasoo keentay in macdan qodayaashu ay ku dhacaan god furan.

Isagoo ka hadlayay dhacdada, Axaddii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Lualaba, Roy Kaumba Mayonde, ayaa yiri, “In kasta oo si rasmi ah looga mamnuucay gelitaanka aagga sababo la xiriira roobab culus iyo khatarta dhul-go’, macdan qodayaasha sharci-darrada ah ayaa ku qasbay inay galaan aaggaas.”

Wuxuu intaas ku daray in “arrinta macdan qodayaasha ku sababtay burburka ay tahya buundo ku meel gaar ah oo ay dhisteen si ay uga gudbaan kanaal halkaasi ku yaal.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in 32 meyd la helay ilaa hadda iyadoo hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ay sii socdaan. Sawirro ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya meydadka macdan qodayaasha oo laga soo saarayo goobta iyadoo dadka deegaanku ay si naxdin leh u daawanayaan.

Mas’uuliyiintu waxay ku booriyeen macdan qodayaasha yaryar inay ka faa’iidaystaan ​​​​tababarka kale ee dawladdu u fidiso ganacsiga beeraha si looga fogaado soo noqoshada masiibooyinka la midka ah arrintaan, marka ay ku lug yeeshaan hawlaha macdan qodista sharci darrada ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles