Tuesday, June 23, 2026

Ruushka oo weerary xaruumaha tamarta Ukraine

Weerar Ruushku ku qaaday magaalada dekedda koonfureed ee Odesa ee Ukraine ayaa sababay dab ka kacay goobaha dekedda iyo kaabayaasha tamarta, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka degdegga ah Isniinta maanta ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oleksii Kuleba ayaa ku qoray kanaalka Telegram-ka weerarku wuxuu waxyeeleeyay xarumaha dekedda iyo dhowr maraakiib.

“Mid ka mid ah dekedaha ayaa la kulmaya koronto la’aan, khubaro ayaa durba ka shaqeynaya sidii loo soo celin lahaa korontada,” ayuu yiri.

Weerarka ayaa korontada ka jaray36,500 oo qoys, sida ay sheegtay shirkadda tamarta gaarka loo leeyahay ee Ukraine DTEK . Qiyaastii 32,500 oo qoys ayaa koronto la’aan ahaa ilaa subaxdii.

DTEK ayaa soo sheegtay burbur weyn oo soo gaaray qalabkeeda ka dib weerarkii habeenkii oo dhan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Telegram.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles