RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan, ayaa sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, isla markaana la diyaariyey dhammaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey guddiga iyo wasaaradaha ka qeyb qaadanaya fulinta barnaamijkan, isaga oo xusay in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta doorashada Qof iyo Cod, iyadoo ugu horrayn la bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles