Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Kenya inay tignoolajiyad u adeegsato caburinta dhalinyarada mudaaharaadayaasha.
Kooxda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in hay’adaha dowladda ay fuliyeen olole muddo sanad socday oo lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaasha mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa beeniyay eedahaas.


