Wasiirka deegaanka XFS oo kulamo la qaatay wafdiyada Soomaaliyeed ee ka qayb galay shirka isbedelka cimilada

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Sareeye Guud Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta shirar muhiim ah kula yeeshay magaalada Belém wafdiyada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baahiyaha gaarka ah iyo sinnaanta bulshada, kuwaas oo door muuqda ku leh doodaha ka socda Shirka Isbeddelka Cimilada ee COP30.

Wasiir Bashiir ayaa la kulmay Fardhiya Maxamuud Maxamed, oo ka socota Somali Women Disability Empowerment. Fardhiya waxay hormuud u tahay u-doodista ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ee howlaha cimilada, iyadoo si joogto ah u difaacda xuquuqda iyo ka-qaybgalka haweenka naafada ah ee Soomaaliya. Waxay xustay in ay ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ay muhiim u tahay dhismaha mustaqbal cadaalad iyo adkeysi leh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Cabdiraxmaan Maxamuud Kulane, oo ah Aas-aasaha UDHAN isla markaana ah Agaasimaha Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed (SAP). Cabdiraxmaan wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka si wayn ugu ololeeya xalal cimiladeed oo la heli karo, la wada isticmaali karo, islamarkaana horseeda sinnaanta bulshada. Doorkiisa hoggaamineed ayaa kor u qaadaya wacyiga ku aaddan ka mid noqoshada bulshada aan haysan awoodda buuxda.

Wasaaradda Deegaanka ayaa muujisay qadarin iyo bogaadin ay u hayso dhammaan wafdiyada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya COP30, gaar ahaan kuwa hawsha adag u haya ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ee siyaasadaha cimilada ee heer qaran iyo heer caalami ah.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles