DFS oo war ka soo saartay go’aanka ah in dib loo celiyo xubnaha Baarlamaanka ee Bariga Afrika

Iyadoo uu baahay war ku saabsan in xubno dhawaan dowladda Soomaaliya u xulatay in ay ka mid ah noqdaan baarlamaanka dalalka bariga Afrika ay diidday maxkamadda cadaaladda ee dalalkaas oo ku taalla magaalada Caruusha ee dalka Tansaniya, ayaa haddana waxaa soo baxaya war sheegaya in arrintaa aaney jirin balse dacwad laga gudbiyay xubnahaas dib loo dhigay go’aankeeda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaniya Ilyaas Cali Xasan ayaa xaqiijiyay in warkaasi aanu dhab ahayn. Sidoo kale bartiisa Facebook ayuu ku qoray qoraal sidaan u dhignaa: “Waa waxba kama jiraan warka ah in Maxkamada EACJ ay go’aamisey in dib loo celiyo xubanaha DFS dhowaan soo xushey Baarlamaanka EALA.Maxkamada waxay dib udhigtey keliya waa waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah xukunka dacwada,”.

Siyaasiin iyo xubno ka soo horjeeda hannaanka lagu soo xulay xubnahaas ayaa la sheegay in ay dacwad u gudbiyeen maxkamadda, hase-yeeshee faah-faahin intaas dheer lagama hayo ilaa iyo hadda.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles