DFS oo war ka soo saartay go’aanka ah in dib loo celiyo xubnaha Baarlamaanka ee Bariga Afrika

Iyadoo uu baahay war ku saabsan in xubno dhawaan dowladda Soomaaliya u xulatay in ay ka mid ah noqdaan baarlamaanka dalalka bariga Afrika ay diidday maxkamadda cadaaladda ee dalalkaas oo ku taalla magaalada Caruusha ee dalka Tansaniya, ayaa haddana waxaa soo baxaya war sheegaya in arrintaa aaney jirin balse dacwad laga gudbiyay xubnahaas dib loo dhigay go’aankeeda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaniya Ilyaas Cali Xasan ayaa xaqiijiyay in warkaasi aanu dhab ahayn. Sidoo kale bartiisa Facebook ayuu ku qoray qoraal sidaan u dhignaa: “Waa waxba kama jiraan warka ah in Maxkamada EACJ ay go’aamisey in dib loo celiyo xubanaha DFS dhowaan soo xushey Baarlamaanka EALA.Maxkamada waxay dib udhigtey keliya waa waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah xukunka dacwada,”.

Siyaasiin iyo xubno ka soo horjeeda hannaanka lagu soo xulay xubnahaas ayaa la sheegay in ay dacwad u gudbiyeen maxkamadda, hase-yeeshee faah-faahin intaas dheer lagama hayo ilaa iyo hadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles