Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Munaasabadda waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin iyo howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista awoodda luqadeed ee shaqaalaha iyo ciidamada loo diraayo tababarrada caalamiga ah, isagoo ku tilmaamay buundo muhiim ah oo Soomaaliya ku xireysa bulshada caalamka.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in xaruntan loo aas-aasay si loo horumariyo xirfadaha luqadaha iyo adeegyada tarjumaadda ee howlwadeenada Wasaaradda iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u daboolaan baahiyaha luqadeed ee Wasaaradda, Ciidanka, iyo howlgallada amniga ee dalka.
Ugu dambayntii, Wasiir Fiqi wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha inay ka faa’iidaystaan fursaddan, ayna kor u qaadaan aqoonta iyo xirfadaha dhanka luqadaha, si ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla.


