Wednesday, January 14, 2026

Wasaaradda Beeraha Dowladda Hirshabeelle oo maalintii labaad dawooyinka beeraha gaarsiisay tuulada Kaluundi (sawiro)

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle oo ku howlan sare u qaadista wax-soo-saarka gudaha ayaa maalintii labaad sii wadday qeybinta dawooyinka beeraha, iyada oo taageero muhiim ah gaarsiisay tuulada Kaluundi ee hoos timaada magaalada Jowhar.

Intii uu socday barnaamijkan, ayaa 200 qoys oo beeraley ah lagu wareejiyay dawooyin muhiim u ah kor u qaadista wax-soo-saarka, kuwaas oo ka caawinaya beeraleyda in ay yareeyaan cudurrada dalagyada isla markaana kordhiyaan tayada iyo tirada wax-soo-saarka.

Qaar ka mid ah beeraleyda deegaanka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha, iyaga oo sheegay in dawooyinkan ay wax weyn ka tari doonaan shaqadooda iyo xilli-soo-saarkooda.

Munaasabadda maanta waxaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ku wehliyay Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Faracade.

Wasiir Ku-xigeenku, oo shalay ka bilaabay qeybinta tuulada Banaaneey, ayaa sheegay in barnaamijkan uu sii socon doono maalmaha soo socda, lana gaarsiin doono tuulooyinka kale ee gobolka, si loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha iyo badbaadinta dalagyada beeraleyda Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles