Wasaaradda Beeraha Dowladda Hirshabeelle oo maalintii labaad dawooyinka beeraha gaarsiisay tuulada Kaluundi (sawiro)

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle oo ku howlan sare u qaadista wax-soo-saarka gudaha ayaa maalintii labaad sii wadday qeybinta dawooyinka beeraha, iyada oo taageero muhiim ah gaarsiisay tuulada Kaluundi ee hoos timaada magaalada Jowhar.

Intii uu socday barnaamijkan, ayaa 200 qoys oo beeraley ah lagu wareejiyay dawooyin muhiim u ah kor u qaadista wax-soo-saarka, kuwaas oo ka caawinaya beeraleyda in ay yareeyaan cudurrada dalagyada isla markaana kordhiyaan tayada iyo tirada wax-soo-saarka.

Qaar ka mid ah beeraleyda deegaanka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha, iyaga oo sheegay in dawooyinkan ay wax weyn ka tari doonaan shaqadooda iyo xilli-soo-saarkooda.

Munaasabadda maanta waxaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ku wehliyay Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Faracade.

Wasiir Ku-xigeenku, oo shalay ka bilaabay qeybinta tuulada Banaaneey, ayaa sheegay in barnaamijkan uu sii socon doono maalmaha soo socda, lana gaarsiin doono tuulooyinka kale ee gobolka, si loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha iyo badbaadinta dalagyada beeraleyda Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles