Tuesday, March 17, 2026

MW Xasan Sheekh oo taageeray go’aanada ka soo baxay Shirkii Culimada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalat casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka soo qayb-gashay Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo ku soo gaba-gaboobay caasimadda dalka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada, iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo iskaashiga dowladda iyo culimada, isagoo soo bandhigay in markii ugu horreysay Ciidamada Xoogga Dalka lagu kabay tiro culimmo oo ka mid noqda, si ay uga wacyi geliyaan ciidanka dhaqannada aan wanaagsanayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyey go’aammada ka soo baxay Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ku adkeeyay in talooyinkooda iyo go’aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nidaamka dowladnimo, ilaalinta qiyamka diinta Islaamka iyo ka hortagga fikiradaha gurracan ee argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles