Wednesday, January 14, 2026

TPLF oo Itoobiya ku eedeysay in ay qorsheyneyso in la qabto doorasho iyaga aysan ku jirin

Afhayeenka TPLF waxa uu sheegay in ururkooda oo dalka ugu diwaangashan xisbi siyaasadeed in si aan sharci aheyn loo mamnuucay, wuxuuna ku eedeeyay dowladda in ay qorsheyneyso in la qabto doorasho iyaga aysan ku jirin.

Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom, qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay, “Waxaa jira arrin isa-soo-tareysa oo ah in si sharci-darro ah loo joojiyo kaddibna gobolka Tigray laga qabto doorasho sharci-darro ah, wuxuuna ku tilmaamay, “go’aan aan waxba ku saleysneyn”.

TPLF oo weyday xubinnimadeeda in ay tahay xisbi ayaa hore u qabtay shir, waxyna ku baaqeen in laysugu yimaado mid kale oo golaha xisbiga ay ku shirayaan.

Afhayeenka xisbiga waxa uu cadeeyay in uu jiro “dareen lagu qabanayo doorasho aan sharci aheyn” oo ka dhacda gobolka Tigray taas oo uu ku sheegay in lagu “beegsanayo TPLF iyo dadkeeda”.

Shir ay isugu yimaadeen golaha guud ee xisbiga ayaa la sheegay in uu abuuray khilaaf lagu kala qeybsamay oo u dhexeeyay xubnaha ururka iyo madaxda.

Kaddib shirka waxa uu wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Tulu sheegay “in uu khilaafsan yahay heshiiskii Pretoria ee lagu dhameeyay dagaalka labada sano”.

TPLF oo laga saaray liiska argagixisada kaddib heshiiskii Pretoria ayaa sidoo kale hadana laga dhigay in xisbi ahaan aysan sharic aheyn.

Waxaa jira xagjiriin ka baxay ciidamada Tigray, kuwaas oo isku magacaabay “Hara Ziraat” oo macnaheedu yahay “dhulkii xorta” ayaa lagu eedeeyay in ay weerayeen ciidamada TPLF.

WARARKII KALE

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Xogahayaha amniga gudaha ee Mareykanka karis Noem ayaa faahfaahin...

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay...

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles