Gobolka Kashmir qaybta ay maamusho Hindiya, Taliyaha Guud ee Ciidanka Ammaanka Xuduudaha Hindiya (BSF), Ashok Yadav, ayaa sheegay in dhowr saldhig oo argagixiso leedahay la burburiyey gudaha Pakistan iyo deegaannadeeda ku yaal Kashmir intii lagu guda jiray Hawlgalkaii Sindoor.
Wuxuu sheegay in ka dib hawlgalkan, Pakistan ay u guurisay 72 “saldhig oo argagixiso” meel fog iyo gudaha dhulkeeda.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta aasaaska Ciidamada xuduudaha ee Yadav wuxuu sheegay, in “Saldhigyo argagixiso leedahay ay weli ka shaqeeyan dhinaca Pakistan, isla markaana ay isku dayeyso inay ka faa’iideysato marinada buuraha ee aaggaas si ay hub iyo daroogo ugu soo dirto aaggayaga, laakiin ciidamadu waxay ku joojinayaanbuu yiri isku dayadan awood buuxda.”
Taliyaha Guud ee BSF ayaa sheegay in 12 “saldhig” ay ka hawlgalaan Tafarwal iyo Sialkot ee Pakistan, halka 12 kale la geeyey meel ka fog marinka u dhaxeeya labada ee gobolka Kashmir.


