Ciidamada huwanta oo Fasaxay gaadiid ku xayirnaa inta u dhexeysa Yaaqbariweyne iyo Leego

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa hawlgal balaaran oo amni xaqiijin ah ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaanka Yaaq-Birweyne iyo Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo halkaas ka qaaday jidgooyooyin lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidka xamuulka.

Inta uu socday howlgalka ayaa sababay in lasii daayo gaadiid xamuul badan oo hore ugu xayirnaa jidka, kuwaas oo u babac-dhigtay dhibaatooyin ka dhashay isbaarooyinka sharci darrada ah ee halkaasi yaallay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ay heleen xog muujineysa in maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan duleedka Wanla-Weyn ay wada shaqeyn la leeyihiin kooxda al-Shabaab, taasi oo keentay in la adkeeyo howlgallada amni ee ka socda gobolka.

Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Axmed Gaashaan, ayaa sheegay in howlgalka isbaaro qaadista uu sii soconayo, isla markaana ay wadaan baaritaanno iyo soo qabashada rag maxkamadda ciidamada qalabka sida ay hore ugu xukuntay dil toogasho, kuwaas oo weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka.

WARARKII KALE

Maraykanka oo war ka soo saaray marinka Hormuz

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada...

Garyaqaanka Guud oo Baarlamaanka ka dalbaday inuu ka jawaabo dacwadda ka dhanka ah Dastuurka cusub

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka...

Masar oo ka taageereysa Sacuudiga dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa yeelan doona kalfadhi...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles