Mareykanka oo sheegay in canshuuraha Minnesota loo weeciyo Al-Shabaab iyo baaris cusub oo bilaabanaysa

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu socdo baaritaan ku saabsan eedeymo culus oo la xiriira in lacago canshuureed oo laga ururiyo gobolka Minnesota loo weeciyay kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa sheegay in baaritaanku weli socda, isla markaana natiijooyinka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo.

Talaabadan ayaa imaneysa xilli madaxweynaha Mareykanka uu Minnesota ku tilmaamay “xarun dhaqaalaha sharci darrada ah iyo lacag dhaqidda”, halka xildhibaanno ka tirsan Jamhuuriga ay warbaahinta u gudbiyeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in shabakado maaliyadeed oo khiyaano ah ay Shabaab u horseedeen dhaqaale.

Badhasaabka Minnesota, Tim Walz, oo wareysi bixiyay Axaddii, ayaa qirtay in gobolkaasi uu soo jiito dambiilayaal maaliyadeed, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dambiga lagu helo la horgeynayo maxkamad.

Dhanka kale, waaxda hantida dibadda ee Wasaaradda Lacagta Mareykanka ayaa hore u xayirtay  bishii March 2024 shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay dhaqaale u ururiyaan al-Shabaab, kuwaas oo xarumahoodu ku yaallay Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus.

Shabakaddan ayaa loo aaneynayaa inay taageero dhaqaale siiyeen al-Shabaab oo xiriir la leh al-Qaacida, isla markaana ka dambeysay weerarro badan oo ka dhacay Bariga Afrika.

Sida laga soo xigtay waaxda Maaliyadda Mareykanka, al-Shabaab ayaa sanadkii urursada in ka badan $100 milyan, iyagoo lacagahaas ka soo qaada ganacsatada iyo shacabka ku nool deegaannada ay maamulaan, ka hor inta aysan u gudbin kooxaha al-Qaacida ee ay xiriirka la leeyihiin.

Mareykanka ayaa sheegay inuu la shaqeynayo dowladda Soomaaliya iyo dalalka gobolka si loo wiiqo awoodda dhaqaale ee al-Shabaab, loona burburiyo shabakadaha maalgelinta argagixisada ee taageera.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles