Tuesday, January 13, 2026

Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa adkeeyey muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhiirigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan isku-duubni iyo midnimo, kana fogaadaan qabyaaladda, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay haatan gacanta ku hayso shuruuc lagu hagaajinayo nidaamka shaqada lagu helo, hadda wixii ka dambeeyana shaqada dowladda lagu bixin doono hab daah-furan, tartan loo simanyahay, iyada oo qofka shaqada dowladda galaya loo eegayo aqoontiisa.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay muhiimadda hoggaanka wanaagsan iyo hal-abuurku u leeyahay horumarka iyo dowlad-dhiska dalka, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in maskaxda la tuujiyo oo wax wanaagsan laga dhaliyo, lana aamino dalka, si ummaddu u gaarto horumar waara.

“Si aad horumar u gaarto, waa in aadan ku kaaftoomin meesha aad joogto, oo aad isbeddel iyo hal-abuur la timaaddaa, haddii aad rabto in aad wax hoggaamiso waa in aad noqotaa tusaale wanaagsan, si aad wax u hoggaamiso, dalkaagana horumar u gaarsiiso.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ummad kasta oo guul xaqiijisay ay ku gaartay dad kooban oo la yimid fikir cusub oo horumar lagu gaari karo, isla markaana saldhigga guusha uu yahay tacliinta oo la xoojiyo, baaritaanno joogto ah iyo in la diido qofku in uu is-dhiibo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay in aysan ka cabsan mustaqbalka, isla markaana hoggaanka dalka gacantooda ku soo saaraan oo ay doorashada si weyn ugu qeyb qaataan.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles