Wednesday, January 14, 2026

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa kulnka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.

WARARKII KALE

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Xogahayaha amniga gudaha ee Mareykanka karis Noem ayaa faahfaahin...

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay...

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles