Dhulgariir ku dhuftay Japan oo tobanaan qof ay ku dhinteen

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.5 uu ku dhuftay waqooyi bari Japan habeennimadii Isniinta, kaasoo ku qasbay kumannaan qof inay guryahooda ka baxaan.

Dhulgariirku wuxuu dhacay 23:15 (14:15 GMT) meel qiyaastii 80km u jirta xeebta gobolka Aomori, sida ay sheegtay wakaaladda saadaasha hawada ee Japan. Waxay dhalisay digniinno tsunami ah.

Qaar ka mid ah adeegyadii tareennada ayaa hakad ku jira, kumannaan guri ayaa koronto la’aan ku noqotay.

Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in gariir xoog leh uu dhici karo maalmaha soo socda – iyaga oo shacabka ugu baaqay in ay feejignaadaan ugu yaraan hal toddobaad, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles