Saturday, December 20, 2025

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga bilaabo berri si ku-meel-gaar ah loo xirayo dhammaan goobaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay la xiriirto diyaar-garowga doorashada goleyaasha deegaan ee dhowaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho, taas oo loo asteeyay 25-ka bishan Diseembar 2025.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xiritaanka uu saameyn doono dhammaan xarumaha waxbarashada, oo ay ku jiraan dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha, si goobahaasi loogu adeegsado hawlaha doorashooyinka iyo abaabulkooda.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa farriin u dirtay mas’uuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyay doorashada, iyadoo ka codsatay inay si dhow ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, si ay u fududeeyaan habsami u socodka doorashada.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashada ayaa xustay in maalmaha la hakiyay waxbarashadu lagu dari doono kalandarka sannad-dugsiyeedka 2025–2026, si ardaydu u helaan xuquuqdooda waxbarasho ee buuxda.

Go’aankan ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto diyaar-garow ballaaran oo ku aaddan qabashada doorashada goleyaasha deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

Mareykanka oo weerar ballaaran ku qaaday Daacishta Suuriya

Maraykanka ayaa sheegay in ciidankiisu ay “weerar ballaaran” ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles