Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadiq Abshir Garaad ayaa xarunta Dhexe ee Guddiga kula dardaarmay howl-wadeennada ka shaqeynaya goobaha codbixinta maalinta Doorashada ee 25ka bishaan December.

Guddoomiyaha oo la dardaarmayay Dhallinyaradan oo gaareysa shan kun in ay si nafti-hurnimo iyo waddaniyad ku jirto ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee maalinta khamiista ee soo socota u soo baxaya goobaha Doorashooyinka ka dhacayaan.

” Haddii Ilaah ka dhigo si naf-hurnimo ah, waddaniyad iyo Islaamnino ku jirto inaad dadka Soomaaliyeed ugu adeegtaan, waa sharaf inoo ah waxaad ka shaeyntaan shaqo adag haddana fudud, waxaa la idinka rabaa in shacabka Soomaaliyeed ee maalinta iyada soo bixi doona u xaq-soortaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim.

25ka bishaan, waa maalin weyn oo taariikhi ah, waxayna shacabka Muqdisho u dareeri doonaan Doorasho qof iyo cod ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles