Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ( Diyaano), ayaa sheegay in maalinta khamiista ah oo ay taarikhdu ku beegan 25 ka Decembar 2025, la xadidi doono guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka billaawdaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulan uu taliyahu isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku farah in si adag loogu diyaar-garowbo Doorashada dadweyne ee dhaceysa maalinta khamiista oo ku beegan 25ka bishaan December.

Sidoo kale, Saraakiisha nabadgalyada ayuu faray in shacabka loo fududeeyo in si nabad galyo ku codeeyaan.

Afhayeenka Ciidanka Boliska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in taliska Booliska uu ka fikiraayo xaaladaha deg degga ah ee soo wajihi kara Bulshada, waxaanna loo diyaariyay shacab gaadiidka si gaar ah ugu shaqeyn doona.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 25 ka diyaar garoow xoog leh ugu jira sugidda amniga doorashioyinka dadweyne oo dhawr iyo konton sano kadib la filayo in ay ka dhicaan magaalada Muqdisho si ay muwaadiniinta fursad loogu siiyo in ay hoggaankooda doortaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles