Thursday, December 25, 2025

MW Xasan Sheekh oo maanta codkiisa dhiibtay iyo fariin uu u diray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo ah doorashadii ugu horreysay ee dadweynuhu si toos ah u codeeyaan tan iyo sanadkii 1969.

Madaxweynaha ayaa ka codeeyey degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, isagoo muujiyay muhiimadda ay doorashadani u leedahay dib-u-dhiska dowladnimada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo ka qeyb-galka shacabka ee talada dalka.

Kadib markii uu codeeyay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeynayso siyaasad mideysan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan walaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka maqan geeddi-socodka siyaasadeed, isagoo ku boorriyay in la helo wada-shaqeyn iyo is-afgarad qaran.

Doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya 20 urur siyaasadeed, waxaana lagu dooranayaa 390 kursi, iyadoo kumannaan ka mid ah shacabka Muqdisho ay maanta u dareereen goobaha codbixinta ee 16-ka degmo ee gobolka.

Dhacdadan taariikhiga ah ayaa sidoo kale soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamiga ah, kuwaas oo si dhow ula socday habsami u socodka doorashada, amniga la sugay iyo ka qeyb-galka ballaaran ee shacabka, taas oo muujinaysa horumar siyaasadeed oo Soomaaliya ka sameyneyso hannaanka dimuqraadiyadeed.

Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo dib loogu soo celinayo xuquuqda codbixinta shacabka.

Doorashada maanta ka socota Muqdisho ayaa waxaa ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka.

WARARKII KALE

Madaxweynaha hirshabelle oo bogaadiyay curashada doorasho qof iyo qod ah ee gobolka banaadir

Maanta waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareeray qabsoomidda...

Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

RW Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer...

Codeynta Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo weli socota(sawirro)

Codeynta ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilaabtay goobaha codbixinta...

Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo saaka ka bilaabatay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Golaha deegaanka ee...

Zelensky ayaa ka hadlay qorshaha nabadda ee dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa daboolka ka qaaday faahfaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles