Dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe

Dagaalka culus ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanada Maxaa Saciid, Qaahira iyo Xasan Geedi ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo u dhexeeyay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa radiojowhar u sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaano muhiimka ah ee ku yaalla wadada dheer ee u dhaxeya Raaga-Ceelle iyo Nuur-dugle ee bartamaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles