Saturday, December 27, 2025

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal reer galbeeda isku dayeen iney kala qaybiyaan Soomaaliya, Isla markaana ay aqoonsadaan Somaliland, balse isago oo xiligaas Ra’iisal Wasaare ka ah Turkiga uu qaaday talaabooyin degdega Isla markaana uu Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland uu iskugu keenay magalada Ankara 11-13 bishii April ee sanadkii 2013, halkaasna laga soo saaray bayaan wadajira oo uu meesha uga saaray qorshihii lagu aqoonsan lahaa Somaliland.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Turkigu wuxuu sheegay in hadana la joogo wakhtigii markale talaabo la qaadi lahaa isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Turkiga Erdogan inuu si degdega u qaado talaabooyinkan.

1. In si toos ah loola xiriiro Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, laguna casuumo Turkiga si ay ugu yeeshaan wadahadal fool ka foola.

2. In la magacaabo Ergay gaar ah loona diro gobolka.

3. In si degdeg ah loola tashado hogaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Sucuudiga, Isla markaana Muqdisho iyo Hargeysa loo diro wafti wadajira oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Turkiga, Masar iyo Sucuudiga si ay ula kulmayaan labada dhinac.

4. In lala xiriiro Imaaraadka Carabta oo maamula Dekedda Berbera Isla markaana looga digo, loogalana tashado in ku lug lahaanshiyaha siyaasadaha Israa’iil ay keeni karto dagaal wakaaladeed ka dhaca Soomaaliya si lamid ah Suudaan.

5. In hogaamiyeyaasha dalalka Masar, Boqortooyada Sucuudiga iyo Turkiga ay si wadajira ula kulmaan Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska si looga hortago in lakala qaybiyo Soomaaliya.

6. In si degdeg ah loola xiriiro maamul goboleedka waqooyi bari oo diiday gooni isku taaga Somaliland Isla markaana muujiyay daacadnimadiisa Muqdisho.

7. Iyo ugu dambeyn inta xaaladu ay meel halisa gaarin in la hawlgaliyo Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamicada Carabta si loo qaado talaabo degdega oo diblomaasiyadeed oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya.

Warka Rw Hore ee Turkiga ayaa ku soo aadaya xili dalal badan iyo ururada caalamiga ah xubinta ka tahay Soomaaliya ay si kulul u cambaareeyeen go’aanka ay Israaiil ku aqoonsatay Soomaaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olole xoog leh oo looga hortagayo talaabada ay qaaday Israa’iil

WARARKII KALE

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda...

Zelensky oo qorshaynaya inuu la kulmoTrump

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu Florida Axada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles