Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal reer galbeeda isku dayeen iney kala qaybiyaan Soomaaliya, Isla markaana ay aqoonsadaan Somaliland, balse isago oo xiligaas Ra’iisal Wasaare ka ah Turkiga uu qaaday talaabooyin degdega Isla markaana uu Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland uu iskugu keenay magalada Ankara 11-13 bishii April ee sanadkii 2013, halkaasna laga soo saaray bayaan wadajira oo uu meesha uga saaray qorshihii lagu aqoonsan lahaa Somaliland.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Turkigu wuxuu sheegay in hadana la joogo wakhtigii markale talaabo la qaadi lahaa isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Turkiga Erdogan inuu si degdega u qaado talaabooyinkan.

1. In si toos ah loola xiriiro Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, laguna casuumo Turkiga si ay ugu yeeshaan wadahadal fool ka foola.

2. In la magacaabo Ergay gaar ah loona diro gobolka.

3. In si degdeg ah loola tashado hogaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Sucuudiga, Isla markaana Muqdisho iyo Hargeysa loo diro wafti wadajira oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Turkiga, Masar iyo Sucuudiga si ay ula kulmayaan labada dhinac.

4. In lala xiriiro Imaaraadka Carabta oo maamula Dekedda Berbera Isla markaana looga digo, loogalana tashado in ku lug lahaanshiyaha siyaasadaha Israa’iil ay keeni karto dagaal wakaaladeed ka dhaca Soomaaliya si lamid ah Suudaan.

5. In hogaamiyeyaasha dalalka Masar, Boqortooyada Sucuudiga iyo Turkiga ay si wadajira ula kulmaan Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska si looga hortago in lakala qaybiyo Soomaaliya.

6. In si degdeg ah loola xiriiro maamul goboleedka waqooyi bari oo diiday gooni isku taaga Somaliland Isla markaana muujiyay daacadnimadiisa Muqdisho.

7. Iyo ugu dambeyn inta xaaladu ay meel halisa gaarin in la hawlgaliyo Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamicada Carabta si loo qaado talaabo degdega oo diblomaasiyadeed oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya.

Warka Rw Hore ee Turkiga ayaa ku soo aadaya xili dalal badan iyo ururada caalamiga ah xubinta ka tahay Soomaaliya ay si kulul u cambaareeyeen go’aanka ay Israaiil ku aqoonsatay Soomaaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olole xoog leh oo looga hortagayo talaabada ay qaaday Israa’iil

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles