Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saaray tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo si buuxda u diiday kuna tilmaamay mid si cad uga hor imaneysa sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu caddeeyay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay xadgudub lagu sameeyay midnimada, wadajirka iyo dhuleednimada Soomaaliya, isla markaana Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin dhulka qaranka.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadaasi ay dhaawacayso xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale ee caalamiga ah, ayna khatar ku tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in shacabka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ay si buuxda ula garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu difaacayo midnimada dalka, iyagoo adkeeyay in aysan marnaba aqbali doonin isku day kasta oo lagu kala qeybinayo Soomaaliya.
Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo sii hurin karta xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.


