Thursday, July 16, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay dhalinyaro iyo Bahda Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar kamid Dhallinyarada, Aqoon yahanada Bahda Caafimaadka iyo Xirfadleyaal kale, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa mid mid u dhageystay Aqoonyanadii kulanka ka qeyb gashay, iyaga oo soo gudbiyay talooyinka iyo aragtidooda la xariirta horumarinta Caasimadda sida, Maamul wanaaga Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka xiran ee dhagaxyada lagu gooyay, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha Roobka, Dhismaha waddooyinka, Hirgalinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in hirgalinta siyaasadiisa uu ku biirin doono talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanadii uu caawa la kulmay islamarkaana ay ka go’an tahay fulinta adeegyo waxtar u leh bulshada iyo in Gobolkan iyo Magaaladan hesho xaquuq siyaasi ah iyo hirgalinta Doorashooyinka golaha Deegaanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka codsaday Bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan sidii Magaalada ula tartami laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

 

WARARKII KALE

Sheekh Shariif oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Trump oo sheegay in la sii dayay haweenay u dhalatay Mareykanka oo u xirneed Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay...

Taliye ka tirsanaa Puntland oo la dilay iyo ninkii falka geystay oo la qabtay

Wararka laga helayo degmada Jariiban ayaa sheegaya in xalay...

Dagaal xooggan oo ka dhacay Baydhabo

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala...

Iiraan oo xoojisay weerarrada xulufada Mareykanka iyo gantaaladeeda oo la qabtay

Wakaaladda wararka ee Petra ee Urdun, oo soo xiganaysa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles