Monday, September 1, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay dhalinyaro iyo Bahda Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar kamid Dhallinyarada, Aqoon yahanada Bahda Caafimaadka iyo Xirfadleyaal kale, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa mid mid u dhageystay Aqoonyanadii kulanka ka qeyb gashay, iyaga oo soo gudbiyay talooyinka iyo aragtidooda la xariirta horumarinta Caasimadda sida, Maamul wanaaga Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka xiran ee dhagaxyada lagu gooyay, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha Roobka, Dhismaha waddooyinka, Hirgalinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in hirgalinta siyaasadiisa uu ku biirin doono talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanadii uu caawa la kulmay islamarkaana ay ka goโ€™an tahay fulinta adeegyo waxtar u leh bulshada iyo in Gobolkan iyo Magaaladan hesho xaquuq siyaasi ah iyo hirgalinta Doorashooyinka golaha Deegaanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka codsaday Bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan sidii Magaalada ula tartami laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles