Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay Askar qaab qabiil loogu laayay Shabeellaha dhexe

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagaxa lahaa ee Shalay lagu dilay askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee ka dhacay aaga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhacdadaan murugada leh waxa uu kaga tacsiyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed  iyo gaar ahaan qoysaskoodii.

“Waa fal ka fog Shareecada Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadanaha. waxaan farayaa laamaha amniga 24-saac gudahood in sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug-yeelato dhacdadii aragagaxa laheyd ee ka dhacday deegaan ku dhow degmada Ceelbaraf.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa bulshada Hirshabeelle ugu baaqay inay ka fogaadaan dhacdo kasto oo wax u dhimayo amniga iyo wadajirka bulshada.

 

WARARKII KALE

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles