Taliyaha ciidanka xoogga oo amar ku bixiyay in hubka laga mamnuuco Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen laamaha amniga, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka kala socotay Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda NISA.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay khatarta ka dhalan karta hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada.

Taliyaha ayaa amar cad siiyay saraakiisha ciidamada, isagoo faray in si adag loo mamnuuco ku dhex qaadashada hubka culus ee magaalada, gaar ahaan gaadiidka lagu xiro qoryaha waaweyn. Wuxuu si gaar ah u xusay hubka noocyadiisa kala duwan sida BKM, RPG iyo hub kasta oo culus oo khatar gelin kara nabadgelyada shacabka.

Sidoo kale, Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Baay, si loo wiiqo awoodda maleeshiyaadkaas loona xaqiijiyo amniga guud ee gobolka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo la filayo in magaalada Baydhabo ay kamid noqoto goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay qorsheyneyso Dowladda Soomaaliya, taas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKII KALE

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles