Monday, June 22, 2026

Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay La taliyaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay dalka Turkiga La-taliyaha Maraykanka ee arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka iyo caalamka. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia oo lagu baahiyay barta X (Twitter), labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Massad Boulos ayaa sidoo kale si wadajir ah uga qeyb galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antalya, oo ka dhacaysa dalka Turkiga.

Madashan oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa ka qeyb galay madax dowladeed, diblumaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala yimid daafaha dunida, waxaana diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah xasilloonida caalamka, iskaashiga dowladaha iyo xalinta khilaafaadka.

Kulankan iyo ka qeybgalka madasha Antalya ayaa muujinaya dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo raadinta taageero diblumaasiyadeed oo ka caawisa horumarinta amniga iyo dowlad-dhiska dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Roobka Muqdisho oo Hakad geliyay Ganacsiga iyo Gaadiidka

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad...

Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada...

 Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo...

Sacdiyo Bajaaj Oo Hortageysa Maxkamad, Maxaa Cusub

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles