Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Taliyaha Taliska Tababarka XDS S/Guuto Axmed Ciise Axmed iyo Saraakiil Ka tirsan Ciidanka XDS ayaa Socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Bardaale iyo degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka XDS ayaa daarnaa in loo kuur galo Xalaada Geesiyaasha Ciidanka Degaanka ee ku sugan Degmada Bardaale.

Taliyaha ayaa kormeeray Xeradii Gaaska Ciidamda Bardaale halkaas oo Ay ka howlgali jireen Guutooyinka Ciidamada Lugta iyo Madaafiicda Ciidanka XDS.

Gen.Ibraahim Maxamed oo Goobta ka hadlay ayaa taabtay Muhiimada ay Ciidan ka Xoogga Dalka u leedahay Xerada Gaaska Bardaale iyo sida ay u tahay Goob Istaraatiiji ah .

Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa dhinaca inta uu Kormeerkan socday la kulmay Hormuudka Ciidanka degaanka isagoona u balan qaaday Garab Istaagga Ciidanka Xoogga Dalka si loo daboolo Baahiyaadka jira .

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degaanada Maamulka Koonfur galbeed ka wada Dardargalinta Howlgalada Lagu Cimribtirayo Maleyshiyaadka Khawaarijta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles