Ciidamadii taabacsanaa Lafta gareen oo isaga tagay Awdiinle, gaarayna Berdaale

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ay ka socdaan gobolka Bay, kuwaas oo sare u qaaday xiisadda amni ee halkaasi ka jirta.

Ciidamadii taabacsanaa Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay gaaray magaalada Berdaale, kadib markii ay  dhaqaaqeen deegaanka Awdiinle.

Sidoo kale, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in shalay galab deegaanka Awdiinle ay ka baxeen ciidamo isku magacaabay “xaq u dirir”, kuwaas oo uu hoggaaminayo Xasan Xirkey, islamarkaana xalay gaaray deegaanka Yurkud.

Dhanka kale, ciidamo kale oo ka baxay Awdiinle isla xalay, kana amar qaata saraakiil ay ka mid yihiin General Amiin iyo Taliye Meedeey, ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Berdaale.

Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in ugu yaraan 15 gaari oo ay wateen ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ay ka daba baxeen dhaq-dhaqaaqyadaasi, taasoo muujineysa abaabul ciidan oo ballaaran.

Xiisadda ayaa si gaar ah uga taagan deegaanka Yurkud, halkaas oo si weyn looga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo, maadaama ay ku wajahan yihiin ciidamo kala aragti duwan.

Guud ahaan xaaladda gobolka Bay ayaa lagu tilmaamayaa mid aad u kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan cabsi sii kordheysa oo ku saabsan suurtagalnimada isku dhacyo hubeysan oo saameyn kara amniga iyo nolosha shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles