Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta fagaare guud kula hadlay dhammaan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada beledxawo Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo dardargelinta howlaha sugidda nabadgelyada.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku soo bandhigay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah xasilinta deegaanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in magaalada Luuq ay dib u heli doonto xasiloonideedii, kadib dadaallo xooggan oo ay wadaan taliyaha nisa ee Jubaland iyo laamaha kale ee amniga.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa fariin adag u diray dowladaha dariska ah, isagoo sheegay in fariimaha loo gudbinayo ay gudbiyaanayan shaqsiyaadka calooshood u shaqeystayaasha ah ee dhibaatada ku haya amniga deeganka i isla markaana aan loo dulqaadan doonin falalkaas, lagana hortagi doono si adag.

Taliyaha ayaa caddeeyay in dhulka Soomaaliyeed uusan qof somalia ah marti ku ahayn, balse Soomaaliya ay diyaar u tahay wada shaqeyn iyo daris wanaag ku saleysan ixtiraam iyo iskaashi dhab ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles